639 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo faah faahin ka bixiyey kulankii xalay uu la yeeshay ra’iisul wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo  faah faahin ka bixiyey kulankii xalay uu la yeeshay ra’iisul wasaare Rooble.
____________________________________________________________________________


isniin: August 9, 2021

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii gaarka ahaa ee uu xalay la yeeshay ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka billowday iyo xaaladda guud ee dalka, sida uu shaaciyey CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulanka lagu soo hadal-qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo.

“Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka” ayuu ku yiri.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ku aadan kulanka uu Rooble la yeeshay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, uuna soo baxay khilaaf u dhexeeyo xukuumadda iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Is aragga labada mas’uul ayaa sidoo kale ku soo beegmay, xilli shalay Muqdisho ay soo gaartay wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ka wada-hadleen xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Si kastaba dadka falan-qeeya siyaasadda ayaa siyaabo kala duwan aragtiyo uga bixiyey kulankan oo ku soo aaday, xilli xiisad siyaasadeed ee ka qaraxday Villa Soomaaliya, waxaana musharraxiinta mucaaradka ay dhankooda taageero weyn u muujiyeen Rooble

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post