696 Views

Ruushka oo lagu xukumay inuu magdhaw 370,000 oo Euro ah siiyo haweenay uu labada gacmood ka jaray ninkeedu

Ruushka oo  lagu xukumay inuu magdhaw 370,000 oo Euro ah siiyo haweenay uu labada gacmood ka jaray ninkeedu
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 15, 2021

Ruushka ayaa lagu xukumay inuu magdhaw 370,000 oo Euro ah siiyo haweenay uu labada gacmood ka jaray ninkeedu.

Maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa sheegtay in Ruushku ka baaqsaday inuu wax ka qabto gacansaarka ka dhaca guryaha, waxaanay amartay in uu afar haween ah oo si ba’an loo dhaawacay magdhaw siiyo.

Waxaana ka mid ah haweenkaa Margarita Gracheva oo ninkeedu af-duubtay sannadkii 2017 oo uu la dhacay faash.

Maxkamadu waxay u sheegtay Ruushka inuu si degdeg ah u meel mariyo isbedello lagu joojinayo weerarrada noocaas ahi in ay dhacaan mustabalka.

Waxa kale oo ay sheegtay in gacansaarka ka dhaca guryaha ee haweenka qabsadaa uga dhaco dalkaas “si aad ah” Ruushkuna uu jabiyey laba qodob oo ka mid ah axdiga xuquuqda aadanaha ee Yurub.

Bishii Diisamber 2017, ayaa Gracheva saygeedu geeyey meel kayn ah oo labada gacmood ba faash kaga jaray.

Dhacdadaa ka hor ayay booliska ku wargelisay dhaqankiisa dagaalka ah laakiin askartu dheg jalaq umay siin ashkatadeeda.

Gacanteedii bixix ee uu ka jaray ayaa laga helay kaynta oo dib loogu tolay. Halka gacanta midigna loogu xidhay mid macmal ah ka dib markii ay shacabku qaadhaan u ururiyeen.

Saygeedii oo ay haatan kala tageen, Dmitry Grachev, ayaa lagu xukumay 14 sano oo xadhig ah.

Maxkamadu waxay sheegtay in haweenaydaas dacwadeedu ay muujisay sida sharciga Ruushka looga dhigay in aan maamulku u fiirsan dhibaatooyinka gacansaarka ka dhaca guryaha ilaa ay xaaladdu meel xun oo dhaawac jidhka gaadha ah keento.

Waxay ku baaqday in qeexitaan sharci oo cad loo dhigo gacansaarka ka dhaca guryaha iyo in sidoo kale cidda gaysata loo garawsado dembiileyaal ciqaab mudan.

Sannadkii 2017 ayaa Madaxweyne Vladimir Putin saxeexay xeer sharci noqday oo khafiifinaya ciqaabta gacansaarka guryaha ka dhaca.

Qofka marka ugu horraysa ee gacani ka dhacdo hadii cidda uu waxyeelay aan isbitaal la dhigin sharcigaasi dhacdadaas fal dembiyeed uma aqoonsanayo ciqaab aan badnayna waa uu dhigayaa.

Saddex dumar oo kale, Natalya Tunikova, Yelena Gershman iyo Irina Petrakova, ayaa dhamaantood loo xukumay in magdhaw la siiyo.

“Waanu guulaysannay” ayey Mari Davtyan oo haweenkaa midood qareen u ahi ku qortay Facebook.

“Dumarkaas mid kastaba dhaawaca culus ee la gaadhsiiyey waxa u sabab ah wax ka qabasho la’aanta dawladda ee gacansaarka guryaha ka dhaca” ayay tidhi.

Ruushku hore ayuu u diiday in uu magdhaw siiyo haweenka dacwooday.

Wasiir ku xigeenka cadaaladda, Mikhail Galperin, ayaa sheegay in dawladda Ruushku aanay masuul ka ahayn falalka gacansaarka guryaha ka dhaca ah ee ay shakhsiyaadku geystaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post