681 Views

Xildhibaano Madaxweynaha Hir-Shabeelle kala hadlaya Arrimaha kajira Hiiraan

Xildhibaano Madaxweynaha Hir-Shabeelle kala hadlaya Arrimaha kajira Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021–Maanta ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar inay kulan ku yeeshaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen & Xildhibaannada Hir-Shabeelle kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan, iyaga oo ka wada hadli doona Arrimaha kajira Gobolka Hiiraan.

Xalay kulan gaar ah oo ay jowhar ku yeesheen Xildhibaannada Hir-Shabeelle ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen in madaxweyne cali guudlaawe inay kala hadlaan in wax laga qabto xaalada kajira Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa waxaa ay sheegeen in aan loo dul qaadan Karin waxa ka socda Magaalada Beledweyne, iyaga oo dalbaday in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo dad xirxiran.

Xildhibaannada ayaa waxaa ay soo saareen dhwor qodob oo ay kala hadli doonaan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, kuwaas oo kala ah.

1) in lasii daayo dadka xirxiran si sharuud la’aan ah

2) in aan qof dambe loo xirin arrimo la xariiro dooda Hirshabeelle

3) In  Madaxwayne kuxigeenka  Hir-Shabeelle iyo dhamaan Xildhibaanada joogo Baledwayne in ay si dhaqsi ah u yimaadaan  Jowhar si looga wada hadlo arrimaha leysku heysto.

Lama oga waxa kasoo bixi kara Kulanka ay yeelan doonaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Hiiraan, iyada oo dad horleh xalay lagu xiray Magaalada Beledweyne.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post