2070 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo daryeel caafimaad u fidinaya dadkii ku dhawacmay qarixii argagixisada Alshaab

Maamulka Gobolka Banaadir oo daryeel caafimaad u fidinaya dadkii ku dhawacmay qarixii argagixisada Alshaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 7 Luuliyo, 2018 – Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka ahna Kuxigeenkiisa ee arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada XFS aya booqday cusbitaallada lagu dabiibayo dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Xuseen ayaa ballan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka shaqeeynayaan sidii daryeel caafimaad loo siin lahaa dhammaan dadka ku dhawaacmay qaraxyadaan, gaar ahaan dadka xaaladdoodu culustahay ee aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

“Dadkan dhammaantood waxa ay ku howllanaayeen nolal maalmoodkooda, balse cadowga ummadda Soomaaliyeed ayaa si gaadma ah u soo maleegay dhibaataynto. Maamulka Gobolka Benaadir waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii daryeelka caafimaad ee ugu habboon ay u heli lahaayeen.”

Kusimaha Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkan uu ka tarjumayo sida argagixisadu ay u bar-tilmaam sanayso qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Benaadir oo dhibaato badan ay u geeysteen argagixisada Al-shabaab.

“Bulshada Gobolka Banaadir waxaan kula dardaar maynaa in ay xoojiyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga hortago falalka argagixisada ay ku wiiqayaan nolasha shacabka iyo horumarka Gobolka.”

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay qaraxan iyo halyeeyadii ka tirsanaa Ciidammada Qalabka Sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee naftooda u horay badbaadinta shacabka.

maamulka-muqdisho-3 maamulka-muqdisho-4 maamulka-muqdisho-2 maamulka-muqdisho-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment