612 Views

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo hortagay Baarlamaanka DGP

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo hortagay Baarlamaanka DGP
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC) Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir.

Guddoomiyaha KMG ee TPEC ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha KMG ah TPEC wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland halka ay marayo hanaanka Dimuqraadiyada Puntland iyo hirgalinta Doorashooyinka Golayaasha deegaan ee 47 dagmo oo ka tirsan maamul Goboleedka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post