1053 Views

Swedan oo 9-M ugu deeqday Somalia si arrimaha Caafimaadka wax looga qabto ee liito

Swedan oo 9-M ugu deeqday Somalia si arrimaha Caafimaadka wax looga qabto ee  liito
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Safaarada Swedan ee Mogadishu ayaa ku dhawaaqday inay Somalia ugu deeqday 75M oo lacagteedo kronarka ah una dhiganta 9M oo doolarka Mareykanka si loogu xoojiyo adeegyada Caafimaad ee Somalia si loo xoojiyo caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka.

War qoraal oo Safaarada laga soo saaray ayaa lagu sheegay in lacagahasi ay usoo marsiinayso Hay’adda UNICEF Somalia,lacagahan ayaa sidoo kale wax loogu qaban doonaa sidii loo yareen lahaa cudurka Covid-19.

Safiirka Safaarada Swedan ee Somalia Ambassador Staffan Tillander ayaa sheegay in arimahaani wx weyn ka tari doonto xaquuqda caruurta iyo badbaada hooyada iyo dhalaanka, waxana uu cadeeyay in tan qeyb ay ka tahay xoojinta iyo garab istaaga dowladda Somalia.

Lacagahaan ayaa sidoo.kale wx loogu talagalay caruurta waxyealadu kasoo gaartay dagaaladi sukeeyay iyo kuwa caruur horey loo askareeyay.

Inkabadan 5.9M qof Somali ah oo ay kujiraan 3.9 caruur ayaa u baahan gargaar biniaadamnimo sanadkaan 2021 kuwasi o sameeyen fatahadihi ugu dambeeyay,dhibaatadii ayaxa iyo Coronavirus sida Qm ay sheegtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post