420 Views

Itoobiya oo sheegtay y in ay gacanta ku dhigeen waddo muhiim u ah socodka Magaalada Mekelle xarunta Ismaamulka Tigray.

Itoobiya oo sheegtay y in ay gacanta ku dhigeen waddo muhiim u ah socodka Magaalada Mekelle xarunta Ismaamulka Tigray.
____________________________________________________________________________

Axad: December 12, 2021

Saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ee EBC ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen waddo muhiim u ah socodka Magaalada Mekelle xarunta Ismaamulka Tigray.

Ciidamada Federaalka ayuu sarkaalkaan sheegay in ay galeen Magaalooyin dhaca dhulka buuraha ah sida Silsiladda Zoble, Orjo, Fokiso & Booran oo muhiim u ah howlgalka ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Advertisemen

Xoogagga TPLF ayaa xoog iyo xeylad isugu geeyay sidii ay u difaacan lahaayeen waddada muhiimka ah ee isku xirta Waldiya & Mekelle balse ugu dambeyn waa ay awoodi waayeen in gacantooda ay kusii hayaan.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ruqaansadeen Magaalada Gaashana, waxa uu ku faanay in aanay jirin cid celin karta xoogagga TPLF oo ay awoodaan in ay qabsadaan goobaha ay ku sugan yihiin “Cadawga” sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Abiy Ahmed & TPLF ayaa kala sheeganaya guullo ka dhashay dagaalka ka socda Itoobiya balse Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay Magaalooyin muhiim ah oo ay dib uga qabsadeen muddo kaddib.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post