111 Views

Wasiiro iyo Lataliye Abiy Axmed oo u Baxsaday Belgium

Wasiiro  iyo Lataliye Abiy Axmed oo u Baxsaday Belgium
____________________________________________________________________________

ADDI ABABA — Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, markii dambena ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Gedu Andargachew, ayaa wararku sheegayaan inuu si qarsoodi ah ugu goostay dalka Belgium, wararka ayaa ku waramaya in Gedu uu ku qasbanaaday in uu isticmaalo Baasaboor Diblomaasi ah.

Bishii hore, waxaa la sheegay in Gedu uu ku jiro xabsi guri tan iyo markii uu ka soo horjeestay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Amxaarada ee Itoobiya bishii Agoosto 2023, taas oo dhalisay in Jabhadda Fano dagaalanto.


Wuxuu si kulul uga hadlay baarlamaanka Itoobiya bishii Agoosto 2023 markaas oo uu sharraxayay sababta tallaabo militari oo ka dhacday gobolka Axmaarada aysan u xallin dhibaatada gobolkiisa Amxaarada ka jirtay.


Markii hore, xukuumadda Abiy Axmed waxay qorshaysay inay ku soo gebagebeyso hawlgallada milateri ee gobolka, sida la sheegay, laba toddobaad gudahood. Si kastaba ha ahaatee, muddada lixda bilood ah ee xaaladda degdegga ah ayaa dhammaatay ka hor intaanay dawladdu gaadhin hadafkii ay sheegtay.

Hadalkiisa ayu uku xusay faragalinta lagu sameeyay Jamhadda Fano in aysan xal u noqon xaaladdii ka taagneyd gobolka,”Faano hub ka dhigis iyo nabad laguma soo celin lix bilood ka dib. Jimcihii la soo dhaafay, baarlamaanka Itoobiya ayaa kordhiyey xaaladda degdegga ah afar bilood oo kale” ayuu yiri.

.

Xigasho: Goobjoog

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post