1152 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Hay’adaha U Xilsaaran Dib-u-Eegista Dastuurka

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Hay’adaha U Xilsaaran Dib-u-Eegista Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 219 – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Faraamaajo” ayaa maanta kulan kula yeeshay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Raysal waasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”, Wasiirka Dastuurka XFS mudane Salaax Ahmed Jaamac, Guddoomiyaha guddiga la socodka ee Baarlamaanka mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid”, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno kale oo ka kala socday hay’adaha u xilsaaran dib- u- eegista dastuurka iyo Xafiiska madaxwaynaha.

Kulankaan oo ah kii saddexaad ee uu madaxweynuhu la yeesho hay’adahan ayaa u jeedadiisu ahayd in warbixin laga siiyo maaxweynaha guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka KMG iyo howlaha dhiman.

Ugu horrayn, waxaa kulanka ka hadlay raysal wasaare ku xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed oo sheegay in Xukuumadda ay dadaaal ugu jirto sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo intiisa badan la dhamaystiray balse ay dhimmanyihiin arrimo u baahan wada xaajiood siyaasadeed, kuwaa oo la filayo in dhowaan ay ka heshiiyaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale Raysalwasaare ku xigeenka yaa sheegay in ay fududayn doonaan wixii tahsiilaada ee ku xiran xukuumadda si loo fududeeyo howlaha dhimman ee dib-u-eegista dastuurka; isagoo hoosta ka xarriqay in Xukuumadda markii ugu horraysay ay lacag u qoondaysay dib-u-eegista dastuurka.

Dhanka kale, wasiirka Dastuurka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay heerka ay marayso dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, wasiirka ayaa sheegay in farsamo ahaan la dhamaystiray 15-ka cuurub ee dastuurka sidoo kalana bishii Juun 2018, baydhabo heshiis looga gaaray “khayraad wadaagga” iyo “Doorashooyinka” haddana ay diyaariyeen xulashooyin dhowr ah oo loo baahnyahay in heshiis ay ka gaaraan dowladda dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka.

“Dib-u-eegista Dastuurka waxay u qaybsantahay laba qayb; Arrin farsamo iyo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, ariimihii farsamo ee 15-ka cutub guud ahaan waa la soo dhameeyay waxaana ka shaqeeyay labada Guddi, halka arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed qaarkood laga heshiiyay sida khayraad wadaagga iyo doorashooyinka, halka qaarka kalena ay diyaarsanyihiin xulashooyinkoodii balse dhowaan la filayo in heshiis laga gaaro, sida hannaanka cadaaladda iyo astaynta awoodaha” ayuu yir Wasiir Saalax.

Sidoo kale, Guddoomiyaasha labada guddi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in markii saddexaad ee uu madaxweynuhu la fariisto hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay muujinayso sida madaxweynuhu iyo xukuumaddaba ay u danaynaynayaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka in la soo gabagabeeyo. Sidoo kale gudoomiyaasha labada guddi ayaa bogaadiyay muhiimadda ay dowladdu siinayso dastuurka waxa ayna ku baaqeen in laga wada shaqeeeyo sidii dastuur soomaali leedahay oo lagu heshiiyay loo heli lahaa.

Ugu dambayn, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo kulanka sooxiray ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Hayadaha ka shqeeya dib-u-eegista dastuurka dadaalka ay geliyaan howsha qaran ee loo xilsaaray, waxa uuna xusay in ay kala shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dastuurku yahay heshiis bulsho ayna laga maarmaan tahay in laga heshiiyo arrimo badan, waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin in laga heshiiyo arrimaha dhimman ee u baahan wada xaajaadooka siyaasadeed.

“Dastuurku xisbi malahan, cid gaar ahna malahan, waxaa iska leh dadka soomaaliyeed iyaga ayuuna ka dhexeeeyaa” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambayn, madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hay’adaha ka shaqeeya dib-u-eegista dastuurka in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment