1293 Views

Dowladda Somalia oo digniin kasoo saartay fatahaada horleh oo dhaca

Dowladda Somalia oo digniin kasoo saartay fatahaada horleh oo dhaca
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019–-Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin waxaa ay kasoo saartay inay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Saadaasha Roobka ee labada Maalin ee soo socota ay macquul tahay inay da’aan roobab xoogantaasi oo keeni karta daadad iyo fatahaado horleh.

 

Roobabka ayaa Wasaaradu sheegtay in loo badinayo inay ka da’aan Dhulka Sare ee Itoobiya taas oo markasta sababta inay kordhaan fatahaadaha wabiyada dalka,sidoo kalena la filayo inay kor u kacaan heerka Biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee Gobolada Hiiraan iyo Gedo.

 

Meelaha ay cabsida badan kajirto ayaa waxaa lagu sheegay Magaalooyinka,Baladweyne,Baardheere,Doolow iyo Gobolada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment