1326 Views

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa qeyla dhaan ka muujiyey abaaro iyo xaalado adag oo dhanka nolasha ah oo ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Hiraan.

Sheekh Xuseen Cismaan Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaannada miyiga ah dadka xoolo dhaqatada ah ay ka barakaceen deegaannadooda, islamarkaana xoolihii ay ka dhamadeen, haddii aan gargar lala soo gaarina ay dad abartaas u geeriyoodo la arki doono.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Sare ee Maamulka Hirshabeelle in laga Jawaabo oo wax laga qabto xaalada abaaraha ee ka jirta guud ahaan Gobalka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post