672 Views

Wasiirad Fowsiyo iyo Gudoomiye Finish oo ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee COVID-19 –

Wasiirad Fowsiyo iyo Gudoomiye Finish oo ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee COVID-19 –
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee COVID-19 ee dalka sida weyn ugu faafayo.

Wasiirada iyo Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in Cudurka uu kusii faafayo gudaha Magaalada iyo Gobolada dalka, isla markaana ay dad badan maalin kasta ugu dhimanayaan.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19 ee la diiwaan-geliyay, iyagoona xustay in saacadihii lasoo dhaafay xanuunka ay dalka ugu geeriyoodeen 8 ruux oo saddex kamid ah ay ku sugnaayeen Muqdisho.

Wasiirada Warfaafinta, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida CCOVID-19, loona hoggaansamo amarada dowladda Federaalka soo saartay ee lagu xakameynayo xanuunka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa sheegay in aan weli la fulin amara dowladda iyo Maamulka Gobolka soo saareen ee looga hortegayo Cudurka, isla markaana ay jiraan Xarumo Waxbarasho oo weli furan iyo dadka oo aan u hogaansamin amarka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Finish ayaa shacabka u diray Digniin, isagoona sheegay in cidii fulin weyda ilaa iyo 15-ka bishaan Maarso amarada lasoo saaray ee looga hortegayo Cudurka laga qaadi doono tallaabo sharci ah, lana ganaaxi doono.

Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in looga baahan yahay fulinta amarada dowladda  oo ay dadka qaataan Afxir, ayna sameeyaan wax kasta oo lagu xakameyn karo faafida Cudurka COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post