93 Views

Hooyo Xaamilo ah oo u Geerootay Dhaawaca Gubasho iyo Seygeedii Gubay oo Baxsad ah

Hooyo Xaamilo ah oo u Geerootay Dhaawaca Gubasho iyo Seygeedii Gubay oo Baxsad ah
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Dogfeer ku geeriyootay haweeney Xaamilo ah, oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis, taas oo sababaatay seygeeda oo gubay.

Siid Cali Macallin Daa’uud oo ahaa seygeeda Luul ayaa gubay, naftana dhaafiyay iyada oo cunugga ay uurka ku waddday.

Inkasta oo aan weli la xaqiijin karin sababta ku kaliftay hadana wararka ayaa sheegaya inuu qol inta ku xiray uu basiin ku bilbilay dibadeedna uu gubay xaaskiisa.
Dilaaga ayaa la sheegay inuu isaga baxsaday goobta uu dilka ku geystay oo aheyd degmada Dharkeenley, xilli qoyska marxuumadda oo dhowaan warbaahinta horyimid ay dalbadeen in cadaalad ay hesho hooyo Luul oo nafta la dhaafiyay iyadoo waliba xaamilo aheyd, taas oo bulshada fajiciso ku noqotay deriska ah.

Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay maalintii dhibaatadu dhacday oo laga joogo 5 maalmood ilaa iyo hadda ma aysan cadeynin in gacanta lagu dhigay dilaaga dhibka geystay oo baxsaday, kadib markii uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo uur laheyd waliba Xaamilo ah oo lagu magacaabayay Siid Cali Macallin Daa’uud.

Allah unaxariistee Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa aheyd hooyo heysatay 6 caruur ah oo ay usoo dhashay nin kale, halka midka dhibka u geystay cunigiisii ugu horeeyay uu la geeriyooday hooyada isaga oo aan wali ifka imaanin, qoyska marxuumadda ayaa dalbanaya in gabadhooda ay hesho cadaalad buuxda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post