1362 Views

Xasan Sheekh oo halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Bashiir Goobe

Xasan Sheekh  oo  halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Bashiir Goobe
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

Saacado kadib Markii loo magacaabay Taliye Cusub Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa waxaa Hambalyo u diray taliyaha Cusub Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa halmbalyo ugu diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamuud Jaamac, isagoo u rajeeyey inuu guul ka gaaro mas’uuliyadda culus loo idmaday.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu yahay qofka mas’uulka ka ah dhammaan hey’adaha fulinta dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur,” ayuu yiri Xasan Shekh .

Sidoo kale Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay Ra’isulwasaare Rooble ku garab siiyaan dadaallada uu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda NISA.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post