372 Views

Wasiirka cusub ee Arimaha gudaha Puntland oo sheegay inay u baahan yihiin Guddi doorasho oo madax banaan

Wasiirka cusub ee Arimaha gudaha Puntland oo sheegay inay u baahan yihiin Guddi doorasho oo madax banaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta xilka kala wareegey Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo ka hadlay munaasabadii uu xilka kala wareegayey ayaa sheegay in loo baahan Guddi doorasho oo madax banaan kuwaas oo aan shaqadooda lagu faragelin.

“Waxaan rabnaa guddi madax banaan oo dorasho oo aan la faragalin oo shaqadiisa wata tagaareda uu dowalda uga baahan yahayna hela, ururo siyaasadeed oo kalsooni ku qaba dorashadana ka qayb qaata iyugana kalsoonida ku qaba dorashada la qabanayo.” ayuu yiri Wasiirka Juxaa.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Qarda jeexi mayno waana guuraynaa, inaan nabad ku kala keenana waa rabnaa, in nalaku aaminana waa rabnaa, in nalagula shaqeeyana waa rabnaa hawsha dhamaystirka golayaasha deegaanka doorashadooda,”

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo horey u soo noqday Wasiirkii Arimaha Gudaha Soomaaliya u magacaabay Wasiirka Arimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, waxaana laga sugayaa dardar gelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post