966 Views

Soomaaliland iyo Korneyl Caare oo heshiis wada gaarey

Soomaaliland iyo Korneyl Caare oo heshiis wada gaarey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 02, 2020—-Korneyl Siciid Jaamac Caare oo hoggaaminayey Jabhad dagaal kula jirta Soomalailand ayaa ogolaaday heshiis uu la galo Soomaaliland,kadib markii soo jeedin ay uga timid Xukuumadda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa.

 

Ergo ka kala socotay Xukuumadda Soomaaliland iyo Beeshiisa ayaa wadey wada-hadallo lagu xalinyaayey labada dhinac,iyaga oo ku guuleystay inay Ciidamada Caare kasoo saaraan Buurihii ay ku jireen ee ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale wararka soo baxaya qodobadii lagu hehsiiyey ayaa waxaa ay sheegayaan inay kamid yihiin in Caare uu ogolaadey in uu aado dalka dibadiisa,sidoo kale la siiyo lacag laga soo qaaday Xukuumadda Soomaaliland taas oo dhan 300,00 oo Dollar.

 

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Ciidamada Korneyl Caare lagu biiriyo Ciidamada Soomaaliland oo ku sugan deegaannada Soomaaliland oo markii hore ay ka goosteen.

 

Jabhadda Korneyl Caare ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyaga oo dhowr mar weeraro ku qaadey Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment