924 Views

Awoodda Ruushka: Sida uu madaxweyne Putin u tayeeyay ciidamadiisa

Awoodda Ruushka: Sida uu madaxweyne Putin u tayeeyay ciidamadiisa
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Xiisadda ka taagan xuduudda Ukraine iyo cabsida laga qabo in Ruushka uu duulaan ku qaado dalkaas ayaa dhalisay in su’aal la iska weydiiyo inta ay gaarsiisan tahay awoodda milateri ee dalkaas u hoggaamiyo Vladimir Putin.

Midowgii Soofiyeet oo sanado kamid ah qarnigii la soo dhaafay ahaa awood la tartanta Maraykanka, ayaa waxa uu si lama filaan ah saaxadda uga baxay markii uu burburay dabayaaqadii 1991.

Ruushka oo saameynta ugu badan ay ka soo gaartay burburkaas ayaa sanado badan la daalaa-dhacayay dhaqaalo xumo baahsan, balse markii uu talada la wareegay Vladimir Putin, waxa uu billaabay inuu boorka ka jafo ciidamada dalkiisa.

Inkastoo ay dalalka Galbeedka shaki galinayaan tayada ciidamada Ruushka, haddana hawlgalladii ay sanadihii dambe ka fuliyeen bariga Ukraine, Belarus, Suuriya iyo qeybo kale oo caalamka ah ayaa soo jiitay indhaha caasimadaha adduunka, gaar ahaan Washington.

Waxaa si gaar ah u muuqday tayada hubka uu Ruushka u adeegsaday colaadda Suuriya.

“Waan ka xishoonayaa in aan qiro, balse waxaa iga yaabiyay in dhowr sano ka hor uu Ruushka gantaal nooca Kalibr ah ka soo riday badda Caspian, kuna duqeeyay bartilmaameedyo ka tirsan Suuriya,” ayuu Sarreeye guud Ben Hodges oo ahaa taliyaha ciidamada Maraykanka ee Yurub u sheegay wargeyska New York Times.

Inkastoo uu cadaadis dhaqaalo iyo mid diblomaasiyadeed Ruushka kala kulmay dalalka Galbeedka, haddana waxaa u suuragashay inuu tayeeyo ciidamadiisa, uuna awood u yeesho inuu faro gelin muuqata ku yeesho colaadaha ka taagan Suuriya, Venezuela iyo Afghanistan.

Ruushka ayaa u arka gaashaanbuurta NATO mid khatar ku ah danihiisa caalamka, waana sababta uu u doonayo in xulafadaas aysan uga soo dhawaan inta ay hadda u jirto.

Awoodda milateri ee Ruushka

Dhanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka, Ruushka ayaa kaalinta koobaad uga jira caalamka, waxaana uu haystaa hub ka badan kan Maraykanka.

Marka la eego dhinaca ciidamada cirka, Ruushka ayaa kaalinta labaad uga jira caalamka, waxaana ka sarreeya Maraykanka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ruushka ayaa kordhiyay awooddiisa ciidamada cirka, waxaana uu ku biiriyay in ka badan kun diyaaradaha dagaalka ah, oo ay kamid yihiin nooca casriga ah ee SU-35, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Awoodda badda marka la eego, Ruushka ayaa leh ciidamada iyo maraakiibta dagaalka ee caalamka ugu awoodda badan marka laga reebo Maraykanka. Waxaa cududaas kamid ah maraakiibta quusta ee ku hubaysan gantaallada ballistic-ga loo yaqaan.

Ciidanka dhulka ee Ruushka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin saddex milyan oo askari, kuwaas oo ku hubaysan dabaabado casri ah, gaar ahaan nooxa T-72B3.Vladimir Putin ayaa lagu ammaanay inuu xoogga saaray dhismaha ciidan si weyn u tababaran, si wanaagsan loo daryeelo, isla markaana hab dhaqan wanaagsan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dalkiisa, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda ay khibrad badan ka heleen dagaalka Suuriya.

Dhammaan ragga da’doodu u dhexayso 18 ilaa 27 jir ee Ruushka u dhashay ayaa waxaa waajib ku ah inay muddo kooban kamid noqdaan ciidamada dalkaas.

Hase yeeshee, dedaalka Putin ayaa waxaa yareeyay dhaqaalo xumida haysata dalkiisa, waxaana dhaqaalaha ku baxa ciidamadiisa uu yahay kan afaraad ee ugu badan caalamka. Dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Hindiya ayaa ku jira kaalmaha koobaad, labaad iyo saddexaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post