1515 Views

Madaxweynaha Canfarta oo ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay AFP.

Madaxweynaha  Canfarta oo ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay  AFP.
____________________________________________________________________________

 

Talaado: july 27 2021

Dowlad deegaanka Canfarta ayaa ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.

Qof walba oo Canfar ah waa in uu difaacaa dhulkiisa sida ugu macquulsan, haddii uu ku difaci lahaa xabbad, ulo ama dhagxaan,” ayuu yiri madaxweynaha Canfarta Awal Arba, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.

Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan” ayuu intaa ku daray.

Xukuumadda gobolka Axmaarada ayaa baaq kan la mid ah horey u dirtay.

Waxay wararku sheegayaan in falaagada TPLF ay weeraro ka bilaabeen meel u dhaw xadka Tigray iyo Canfarta.

Madaxa Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Canfarta ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay BBC-da in in ka badan 70,000 oo qof ay ku barakaceen colaadda.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof oo rayid ah la dilay.

  • Afhayeenka TPLF Gitachew Reda ayaa dhankiisa ku tilmaamay howlgalka ka socda gobolka Canfarta mid “aad u xadidan” oo lagu qaaday ciidamada gaarka ah ee Oromiya ee ka dagaalamaya gobolka Canfarta.

Hasa yeeshee madaxweynaha dowlad deegaanka Canfarta ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post