393 Views

Aleksey Zhuravlyov “Waxaa fiicnaan lahayd diyaaradii ay saarneed Pelosi ee Taiwan tagtay in la soo rido

Aleksey Zhuravlyov  “Waxaa fiicnaan lahayd diyaaradii ay saarneed Pelosi ee Taiwan tagtay in la soo rido
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Aleksey Zhuravlyov, oo ah siyaasi u dhashey dalka Ruushka, isla markaana xulafo la ah Madaxweyne, Vladamir Putin, ayaa telefishinka qaranka ka sheegay in “Ruushka ay u wanaagsanaan laheyd “haddii Shiinaha uu soo ridi lahaa diyaaraddii ay la socotey afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka, Nancy Pelosi, oo safar ku gaartay Taiwan.

Zhuravlyov, ayaa waxa uu yahay xubin katirsan gobolka Duma, isagoo hoggaamiya xisbiga wadaniga ee Rodi-na, oo taageera Putin.

Intii uu socday muuqaal hal saac ah, kaasoo qeyb ka ah barnaamij laga sii daayay kanaalka koowaad ee Ruushka laga yeelay ee Rossiya 1, ayuu wuxuu ku sheegay in weerar lagu qaado diyaaraddii siday Pelosi ee ka timid Shiinaha, iney furi laheyd furin kale, oo ah dagaalka Putin ee Reer Galbeedka, waxaa sidani warisay wargeyska Daily Mirror, ee soo baxay Khamiistii.

Isagoo hadalka isi wata, ayuu wuxuu intaa darey Zhuravlyov inay mid muhiimad leh ay aheyd, haddii diyaaraddan la qaban lahaa, ama lasoo ridi lahaa, taasoo ay saarneyd Pelosi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post