102 Views

Hobyo oo Lagu Daahfuray Mashruuca Maalgeshiga Dekad

Hobyo oo Lagu Daahfuray Mashruuca Maalgeshiga Dekad
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo habeennimadii sabtidii ka qaybgalay munaasabad ballaaran oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhinaanno ka tirsan BFS, mudnayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa daahfuray mashruuca maalgelinta dekadda Hobyo.

Munaasabadda oo looga hadlayay maalgashiga Dekadda Hobyo ayuu madaxweynuhu ka sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha Dekaddooda Hobyo, kaddib dadaal dheer oo ay galisay Dowladda Galmudug. Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay Dekadda Hobyo.

‘Inta halkan fadhisa iyo inta ka maqanba waxaan soo gaarnay himilo muddo dheer lagu taamayay oo guusheedii caawa la gaaray, iney tahay guul taariikhi ah ka sokow, waxaa ay kale guul u tahay intii kasoo shaqeysay oo Adduun iyo Aakhiro anfici doonta, in la sameeyo ama la hirgeliyo ama halkaan laga daahfuro maalgashiga dekadda Hobyo” ayuu yri Madaxweyne Qoorqoor.

Magaalada Hubyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin kale duwan oo isugu jira Xildhinaanno ka tirsan BFS, mudnayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana halkaas laga daahfuray mashruuca lagu maalgashanayo dekadda magaalada oo dib u dhis ballaaran lagu sameynayo.

__________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post