486 Views

Madaxa hay’adda Sirodonka Faransiiskaoo shaqadiisa waayi doona kaddib markii uu ku guul darreystay inuu sii saadaaliyo Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine

Madaxa hay’adda Sirodonka Faransiiskaoo shaqadiisa waayi doona kaddib markii uu ku guul darreystay inuu sii saadaaliyo Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Madaxa hay’adda Sirodonka Faransiiska, Janaraal Eric Vidaud, ayaa shaqadiisa waayi doona kaddib markii uu ku guul darreystay inuu sii saadaaliyo Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, sida ay sheegeen warar soo baxay.

Toddobo bilood kaddib markii uu xilka qabtay, waxay wararku sheegeen in lagu eedeeyay inuu bixiyay “xog aan dhammeystirneyn” iyo inuu “Aqoon u yeelan waayay arrimaha loo igmaday”.

Sirdoonka Mareykanka ayaa inta uusan dagaalka Ukraine billaabanin sheegay in Ruushku uu damacsan yahay inuu weerar ku qaado waddanka deriska la ah, halka Sirdoonka Faransiisku ay sheegeen in tallaabadaas aysan u badneyn inay dhacdo.

Janaraal Vidaud waxaa arrintaas ku dhaliilay madaxa militeriga ee Faransiiska, sida lagu soo warramay.

Balse waxaa la aaminsan yahay in Janaraal Vidaud, oo horay u ahaa taliyaha ciidanka khaaska ah ee Faransiiska, uu shaqadiisa ku waayay sababo kale oo dheeri ah.

Dhowr isbuuc kaddib markii uu qabtay xilka madaxa sirdoonka militeriga, shaqadiisa ayaa si weyn loo cambaareeyay kaddib markii dowladda Australia ay ka baxday heshiis balaayiin doolar ku kacayay oo ay ku damacsaneyd in Faransiiska ay uga iibsato maraakiibta biyaha hoostooda quusa.

Australia ayaa heshiiskaas u weecisay dhinaca UK iyo Mareykanka, dowladda Faransiiska ayaana aad uga carootay tallaabadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post