276 Views

Madaxweyne Biden oo sheegay in aanu taageersanayn in diyaarada F-16 loo diro dalka Ukraine oo Dagaal kula jirta Ruushka

Madaxweyne Biden oo  sheegay in aanu taageersanayn in diyaarada F-16 loo diro dalka Ukraine oo Dagaal kula jirta Ruushka
____________________________________________________________________________

Talaado: 31 Jannaayo 2023

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in aanu taageersanayn in diyaarada F-16 loo diro dalka Ukraine, taas oo uu sheegay in ay u baahan tahay in ay la wareegto maamulka hawadeeda, ku dhawaad sanad kadib markii uu Ruushku uu ku duulay Ukraine.

Biden ayaa hadalkan kooban jeediyay mar ay wariyayaashu su’aalo weydiiyeen xilli uu ka baxayay Aqalka Cad.

Dalabka Ukraine ayaa noqday mid aad loo hadal hayo kadibmarkii Washington ay ka laabatay diidmadeeda muddada dheer ee ahayd ee ku saabsaneed in taangiyada Mareykanka loo diro Ukraine .

Toddobaadkii hore Jarmalku waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in uu dirayo F-16, balse kuwa kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Holland ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin.

Diyaaradda F-16 Falcons ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee lagu kalsoonaan karo caalamka, waxaana adeegsadaa dalalka sida Belgium iyo Pakistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post