267 Views

Xukuumada Somaliland oo shaacisay inay bixineyso magta dadkii lagu laayay saacadihii la soo dhaafay Magaalada Laascaanood

Xukuumada Somaliland  oo shaacisay inay bixineyso magta dadkii lagu laayay saacadihii la soo dhaafay Magaalada  Laascaanood
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 29, 2022

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay fara-gelinayaan xiisaddaas wuxuuna kulan la yeeshay ehellada qaar kamid ah dadkii dhintay dibad-baxii 27-kii bishan ka dhacay magaalada Laascaanood.

Koore ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay bixineyo magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha ka socda halkaasi

“Waxa aanu kulan la qaadanay ehelada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laas-canood, waxaanu dawlad ahaan ehelada siinay aaskii AHU marxuumiintii ku dhintey mudaharaaddka, sido kale waxa ay dowladdu Somaliland balan qaadey in ay bixinayso magta AHU dadkii dhintey” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhinbtay illaa 3 qof oo rayid ahaa, waxaana u dambeeyay Cabdishakuur Jimcaale oo ay xalay dileen ciidanka ammaanka.

Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid weli cakiran, waxaana maanta markale dib uga dhacay dibad-baxyo kale oo ay dhigeen dadka deegaanka.

Si kastaba, dibad-baxayaaasha ayaa ka dalbanaya Somaliland inay wax ka qabato dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post