192 Views

Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya
____________________________________________________________________________

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

Abiy Axmed ayaa lagu abaalmariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.

Wuxuu ka hadlay diiradda dowladdiisa ee ku aaddan dalagyada qiimaha sare leh iyo warshadaha ee ah “natiijooyinka rajada leh ee ku aadan isku filnaanta cunto ee Itoobiya”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay dhul-beereedka Itoobiya la balaariyay in ka badan 50%, taasina ay keentay in wax soo saarka uu kordho, gaar ahaan qamadiga iyo bariiska, Itoobiyana ay hadda tahay dalka ugu badan ee dhoofiya Qamadiga ee dalalka Afrika.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii ay Itoobiya soo dhoofsan jirtay Qamadiga si ay u buuxiso baahideeda gudaha, haatanna ay isku filnaatay oo ay dhoofin jirtay tan iyo 2023-kii.

Waa maxay abaal-marintan?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome bilad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beerah

Abaalmarinta Agricola waa billad-sharafeed lagu maamuso shakhsiyaadka sida “wanaagsan” diiradda u saara si bulshadiisa ay u gaarto isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Sidoo kale abaalmrinta ayaa la siiyay hogaamiyaasha dalalka adduunka ee doonaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka cunto waarta, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Agricola, waa abaal marintii ugu saraysay ee uu bixiyo agaasimaha guud ee haa’yadda cunada aduunka FAO, tan hadda la siiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee uu bixiyo agaasimaha hadda xilka haya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2019.

Agaasimaha Guud wuxuu tilmaamay in sannadihii la soo dhaafay Billadda Agricola la guddoonsiiyay shakhsiyaad caan ah, kuwaas oo lagu qiimeyay doorkooda aan caadiga ahayn ee ku aaddan dadaallada muuqda ee lagu guuleystay ee horumarinta amniga cuntada adduunka iyo yaraynta faqriga sida FAO sheegtay.

Billada ayaa noqnaysa tii 27 -aad oo ha’yadda ay bixiso, waxaana horey loo siiyay hogaamiyaasha qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Sacuudiga iyo kuwo kale.

Abaalmarintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka ku yaal Geeska Afrika uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo ku dhawaad 4 milyan oo Itoobiyaan ah ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay horraantii bishan in xaaladdu ay aad uga sii dartay iyadoo ay ugu wacan tahay heerka nafaqa-darrada iyo biyo la’aanta daran oo ay weheliso cudurro dillaacay.

In ka badan 860 qof ayaa ku dhintay gobolka waqooyi ee Tigrayga tan iyo Sebtembar 2023 gaajo darteed, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta Tigray.

Getachew Reda, madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray, ayaa bishii December sheegay in xaaladdu ay tahay “masiibo” oo u dhiganta macluushii dilaaga ahayd ee ka dhacday Itoobiya sannadkii 1984-kii oo malaayiin qof ay ku dhinteen.

.

Xigasho: BBC Somali

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post