1599 Views

RW Rooble oo UNHCR kala hadlay u gurmashada dadka abaartu saameeysay

RW Rooble oo UNHCR kala hadlay u gurmashada dadka abaartu saameeysay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 24 2021=Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Kulan ay yeesheen ayaa waxaa  ay kaga wada hadleen xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey sida uu uga aqbalay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay.

Degaano ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay kajiray abaar saameyn ku yeelatay dad iyo Duunyo, iyada oo dowladda Soomaaliya sheegtay in dadkaasi loo gurmanayo.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post