405 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mududane. Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Hay’adda FCA{ Financial Conduct Authority} Soomaaliya Mr. Ikali karvinen.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane. Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku-xigeen Wasaaradda Mudane. Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane. Saciid Cabdullahi Calasow, Kulankaan, ayaa ahaa mid looga hadlayay Arrimaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose. Kulanka oo ahaa mid shaqo, ayaa waxaa goob joog ka ahaa hawl-wadeeno ka kala socday Wasaaradda iyo Hey’adda FCA{ Financial Conduct Authority } Soomaaliya.

Wafdigaan ka socday Hay’adda FCA{ Financial Conduct Authority}Soomaaliya, ayaa waxaa ay tilmaameen in Wasaaradda ay kala shaqeynayaan dhisidda Golaha Deegaan ka ee Degmooyinka, Dib u heshisiinta iyo Federaalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa u mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA { Financial Conduct Authority}Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysay Socdaalkiisa, waxaana uu xusay in ay boggaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka hayaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn labada dhinac ay ku heshiiyay in la dadajiyo lana Fududeeyo Howlaha Baaxada leh ay Ka wada Shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda FCA { Financial Conduct Authority}Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post