540 Views

Carruur Soomaali ah oo lagu la’ yahay Qaahira

Carruur Soomaali ah oo lagu la’ yahay Qaahira
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Wali waxaa baadi goob loogu jiraa Caruur Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay labo Caruur ah, kuwaas oo aan lagu heyn nolol iyo geeri toona, balse waxaa socda dadaalo ay ku baadi goobayaan caruurtaasi laamaha ammaanka ee dalka Masar.

Caruurtaan ayaa markoodii hore ahaa saddex oo ay ku jirtay gabar, kuwaas oo la waayay maalintii talaadada, kadib markii gurigooda ay ka baxeen islamarkaana ay aadeen Iskuul ay dhiganayeen, balse waxaa la helay habeenkii xalay ahaa Gabadha yar iyadoo bedqabta.

Sidoo kale, carruurtaan labada ah ay lagu sheegay da’doodu inay tahay 12 jir iyo 14 jir, iyadoo safaarada Soomaaliya ee dalka Masar war kasoo saartay maqnaanshiyaha caruurtaas.

Ismaaciil Cabdi oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar oo la hadlay laanta Afsoomaaliga ee V.O.A-da ayaa ayaa sheegay in maqnaanshaha Carruurta labada ah hore  loogu sheegay in la afduubtay, balse markii dambe la xaqiijiyay  inay lumeen xilli ay u dhawaayeen Iskuulkii ay dhigan jireen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay socdaan dadaal lagu baadi goobayo caruurta islamarkaana ay si wadajir ah iskaga kaa shanayaan iyaga iyo Laama ammaanka dalka Masar, isagoo rajeeyay in in la helo caruurtaas iyagoo bebqaba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post