1026 Views

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo Canbaaraysay Qaraxii shalay ee xerada Gen Dhaga badan

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga  oo Canbaaraysay Qaraxii shalay ee xerada Gen Dhaga badan
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Qaraxii shalay  ka dhacay xerada Gen Dhaga badan ee ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. kaasi oo lala beegsaday dhalinyaro doonaysay in ay ku biiraan ciidanka Xoogga Dalka.


Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday dhalinyarada, iyagoona ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid Argagixiso ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa qaraxa argagixiso, waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”


Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post