774 Views

DEG-DEG:-Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hoteel ku yaalla xeebta Liido

DEG-DEG:-Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hoteel ku yaalla xeebta Liido
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu qaaday Hoteelka Caanka ah ee Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho, islamarkaana ka mid ah Hoteellada sida casriga ah loo dhisay.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in Gaariga qarxay ay xigeen dabley hubeysan oo Gudaha u galay hoteelka, halkaasi oo laga maqlaayo rasaas xooggan.

Ciidanka Ilaalada Hoteelka iyo Kooxda weerartay hoteelka ayaa dagaallamaya iyadoo gudaha hoteelka ay ku jiraan dad Shacab ah.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post