1338 Views

Madaxwaynaha Shiinaha oo reer galbeedka uga digay i faragalin ku sameeyaan dalkiisa.

Madaxwaynaha  Shiinaha oo reer galbeedka uga digay i faragalin ku sameeyaan dalkiisa.
____________________________________________________________________________

Khamiis: luliyo 1 2021

Madaxwaynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping ayaa wadamada reer galbeedka uga digay in ay faragalin ku sameeyaan dalkiisa.

Madawayne Xi Jinping ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 100 sano guuradii kasoo wareegatay markii la’as aasay xisbiga shuuciga ee talada hayo.

Sidoo kale madaxwaynaha Shiinaha ayaa sheegay in Beijing aysan marna ogolaan doonin talaabooyinka kaga imaanaya wadamo uu ka xusay Maraykanka.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay iyadoona murankooda uu inta badan ku saleysan yahay dhanka ganacsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post