549 Views

Somaliland iyo DDS oo ka wada hadlay la dagaallanka waxyaabaha sharci-darrada ah

Somaliland iyo DDS oo ka wada hadlay la dagaallanka waxyaabaha sharci-darrada ah
____________________________________________________________________________

Waxaa magaalada Burco lagu soo afmeeray shirkii arrimaha amniga iyo iskaashiga xidiidhka labada dhinac ee gobolka Tog-dheer Somaliland iyo gobolka Jarar ee DDS.

Masuuliyiinta dhanka gobolka Tog-dheer ee Somaliland ayaa iskugu jiray laamaha kala duwan ee ammaanka iyo masuuliyiinta maamulka gobolka, halka dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalidana ay goob-joog ka ahaayeen laamaha kala duwan ee  ammaanka, gaar ahaan saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Xoogga Gaarka, komishineerka booliska gobolka Jarar, guddoomiyaha gobolka, hooggaanka nabadgelyada iyo maamulka degmada Gaashaamo.

Labadan dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka xadka, la dagaallanka waxyaabaha sharci-darrada ah, xoojinta wada shaqaynta, xidhiidhka laamaha ammaanka labada dhinac iyo adkeynta xidhiidhka masuuliyiinta labada gobol sidoo kale, waxay masuuliyiintu isla soo qaadeen isku-socodka dadka doolka ah ee abaaruhu saameeyeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post