690 Views

weerar Bambaano oo ka dhacay Magaalada Marka goor dhawayd

____________________________________________________________________________


Arbaco:   December 8, 2021

Weerarka Bam Gacmeed oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay Suuq kuyaalla Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bam gacmeedka ayaa waxaa lagu tuuray meel u dhow Saldhiga Booliska Magaalada Marka gaar ahaan Suuqa dhoobeyda, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Shacab u badan kuwa muruq maalka ah ama xamaaliga.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi Bam gacmeed ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Ruux oo Shacab ah, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Marka si loogu daaweeyo.

Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Marka ayaa tegay goobta uu ka dhacay weerarka Bam gacmeed, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi Bambaano.

laamaha Amniga Magaalada Marka ayaan weli ka hadlin weerarkaas khasaaraha geystay, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay degaannada Koonfur Galbeed kusoo batay qaraxyada ka dhacaya Suuqyada, kuwaas oo badi ay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post