882 Views

Cumar Filish oo ku dhawaaqay qorsho looga hortagayo faafida COVID-19

Cumar Filish oo ku dhawaaqay qorsho looga hortagayo faafida COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsho lagula dagaalamayo Cudurka Safmareeka ah ee COVID-9,kaas oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Magaalada muqdisho ay ka bilaabeen howlgallo lagu buufinayo Xaafadaha iyo wadooyinka qaar si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,dadkana looga badbaadiyo.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada muqdisho inay qaataan talooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxda Sare ee dalka,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay inay Soomaaliya kamid noqoto dalalka ugu horeeya ee ka bogsada Cudurka COVID-19.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa waxaa uu sheegay xilli xalay uu kormeeray Xaafada Suuq Bacaad oo Maamulka gobolka uu ka waday howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment