966 Views

Puntland iyo Galmudug, oo dib u celiyaan geel ay kala haysteen xoola dhaqato ka soo jeeda labada maamul.

Puntland iyo Galmudug, oo  dib u celiyaan geel ay kala haysteen xoola dhaqato ka soo jeeda labada maamul.
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Mas’uuliyiinta heer gobol ee Puntland iyo Galmudug, ayaa sida ay sheegeen ku guulaystay in ay dib u celiyaan geel ay kala haysteen xoola dhaqato ka soo jeeda labada maamul.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in la wareejiyay 13 neef oo geel ah, oo ay kala haysteen xoola dhaqatada ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Munaasabadda oo ka dhacday degaanka Godod bariga magaalada Gaalkacyo, waxa goob-joog ahaa mas’uuliyiinta labada dhinac iyo saraakiisha Amniga heer gobol.

Mas’uuliyiinta labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada noolaanshiyaha dadka Gobolka Mudug ee oodwadaagtaa , waxaana ay dadka xoolo dhaqatadaa ugu baaqeen in ay nabada iyo Xasiloonid ilaaliyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post