1569 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay duubabka dhaqanka hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay duubabka dhaqanka hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | Jannaayo 17, 2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaannadan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee deegaannada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, iyagoona la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay qabaan dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira gacanta argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya Hoggaanka iyo waxgaradka deegaanka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment