495 Views

Wasiirka Duulista Hawada oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Galdogob

Wasiirka Duulista Hawada oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Galdogob
____________________________________________________________________________

Talaado: March 22, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo ku sugan Degmada Galdogob ayaa kormeer ku tagay halka laga hirgalinayo Garoonka Diyaaradaha ee Galdogob.

Waxaa Kormeerkaan ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiir Duraan ayaa Bulshada Degmada Galdogob uga mahadceliyay sida ay u barbar taagan yihiin mashruuca hirgalinta Garoonka.

Wuxuu intaas raaciyay in uu ku faraxsan yahay hawsha la qabtay, isagoo sheegay in Mashruucaan sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gabo gabayn doono.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post