1611 Views

Musharax Madaxweyne 2021 abdihamiid Adan ahmed oo ka mid Noday Musharaxnixiinta u taagan Xilkaas Sawiro

Musharax Madaxweyne 2021 abdihamiid Adan ahmed  oo ka mid Noday Musharaxnixiinta u taagan Xilkaas  Sawiro
____________________________________________________________________________

Xaflad si Wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo Qeyb galeen Boqolaal qofood, ayaa shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa xafladaan ay ahayd mid ku dhawaaqis musharaxnimo Madaxweynaha Soo socda 2021.

Munaasabadaan oo si wayn loo soo Agaasimay ayaa waxaa ka soo Qeyb galay Mas’uuliyiin, siyaasiyiin Culumo, wax garad, Haween iyo dhalinyaro, waxaana xafladaas lagu soo dhawaynayay Musharax Madaxweyne 2021 abdihamiid Adan ahmed oo ah nin dhalinyaro ah kii ugu horeeyay oo isku soo taaga Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya.

Wax garadkii iyo siyaasiyiintii goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida Xiligan loogu baahan yahay in uu Dalka Hogaamiyo qof dhalinyaro ah sida abdihamiid Adan ahmed oo shaqi dhalinayro ah oo aqoon fiican u leh dalka diinta iyo dadka.

Daddkii halkaas iskugu yimid ayaa ku dheeraaday in Xiligaan uu u baahan yahay Dalka shaqsi dhalinyaro ah oo badbaadiya, ayaga oo ku amaanay abdihamiid Adan ahmed shaqsi ka oo bixi kara howshaasi.

Gudoomiyaha Jaaliyada somaliyed ee Kenya abdiqadir Abdi diini iyo Gudoomiyaha Haweenka Jaaliyada Kenya shukri Masala iyo Mas’uuliyiin kale ayaa halkaas ka hadlay.

Nabadoon Sayid Somali oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Xiligaan dalka u baahan yahay nin dhalinyaro ah oo abdihamiid Adan ahmed oo kale ah, waxa uuna kula Dardaarmay Hadii uu ku guuleesto Xilkaasi in uu umada Soomaaliyeed u Cadaalad Falo.

“ Umada Soomaaliyeed waxay dhibaato ku jirtay 30- Sano  75 % Boqolkiiba todobaatan iyo shan   waa  dhalinyaro Marka Xiligaan Dalka waxa uu u baahan yahay nin dhalinyaro ah ama aniga ama qof kale oo dhalinyaro ah, Umada Soomaaliyeed dhibaatadan kuma sii Eegan Karno, hadii aan Nahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay ”ayuu yiri Musharax Madaxweyne 2021 abdihamiid Adan ahmed oo goobtaasi ka hadlay.

Sidoo kale dadkii halkaas iskugu yimid ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay shaqsi badbaadiya, ayaga oo hoosta ka xariiqay in dalka uu ku badbaadi karo shaqsi dhalinyharo ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post