627 Views

Waa kumaa ninka ku guuleystay Kursigii uu ku fadhiyay wasiir Beyle?

Waa kumaa ninka ku guuleystay Kursigii uu ku fadhiyay wasiir Beyle?
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 26, 2022

Dr Cabdillahi Xashi Abib ayaa waxaa uu shalay ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu ahaa Hop 201 oo ka mid ah kuraasta Somaliland.

Kursigan Abib u ku guuleystay ayaa waxaa hrey ugu fadhiyay Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo imika ah wasiirka maaliyadda.

Dr Cabdillahi Xashi Abib ayaa aqoonyahan haysta labo shahaado oo master iyo PhD. Waxaa uu ku taqasusay cilmiga warshadaha iyo warshadeenta, iyo waliba isaga oo oo shahaahda Master-ka ka haysta xiriirka caalmaiga ah.

Dr Cabdillahi ayaa waxaa uu waxbarashadiisii ku soo qaatay North America.

Dr Cabdillahi Xashi Abib waxa uu bare ka soo noqday dhowr jaamacadood islamarkana waxaa ku mid ahaa dadkii wax ka aasaasay Jaamacadda Eelo , ee ku taalla Boorama.

Dr Cabdillahi ayaa siodo kale waxaa uu 26 sano ka soo shaqeeyey samafalka,Waxbarashada. Waxaa uu dhanka kale ka mid ahaa 3 sano ka hor aqoonyahanadii asaasay machadka RAAS.

Xigasho: BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post