441 Views

Maxamed Saciid BK “ Madaxweyne Muuse wuxuu igu yiri ku soo laabo Xiddigihii Geeska iyo Fanka

Maxamed Saciid BK  “ Madaxweyne Muuse  wuxuu igu yiri ku soo laabo Xiddigihii Geeska iyo Fanka
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Fannaankii hore ee Xiddigaha Geeska ee magaalada Hargeysa, Maxamed Saciid BK ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay waayihiisa cusub iyo isbeddelka noloshiisa, kadib markii uu isaga baxay gebi ahaan Fanka.

Maxamed BK oo u warramay MM Somali TV ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin xiiso leh oo soo maray intii uu ku jiray Fanka iyo hadda sida ay tahay xaaladdiisa nololeed.

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday kulan dhex-maray isaga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wada kulmeen, kadib markii uu shaaciyey inuu ka baxay Fanka.

BK ayaa shaaca ka qaaday in markii ay wada kulmeen Madaxweynaha inuu ka dalbaday in uu dib ugu soo noqdo Xiddigaha Geeska ee ka dhisan magaalada Hargeysa.

“Markii u dambeysay waxaan ku kulanay Hargeysa waxa ay aheyd markii aan ka imid London waxaa ii yeeray Cali Waran Cadde, dabadeedna madaxweynuhu wuxuu igu yiri waxaad ku noqotaa Xiddigihii Geeska, halkaas ayuu ugu buush gareynayey, teedna anniga waxaan ku iri maya, kuma noqonayo,” ayuu yiri Fannaankii hore ee Maxamed Saciid BK.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaguna uu ka dalbaday inuu taageero isbeddelka cusub ee ku yimid nololshiisa, gaar ahaan kooxda uu dhisay ee la dagaalanka qabyaaladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post