1416 Views

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulamo Weli Ka Wada Washington

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulamo Weli Ka Wada Washington
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo uu booqasho ku joogo.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment