1854 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo safar deg deg ah ku tegay Feerfeer

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo safar deg deg ah ku tegay Feerfeer
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 7da Maarso, 2021:Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray degmada Feer-feer ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ah Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey Saraakiil ciidan iyo Ganacsato.

Wafdiga waxaa soo dhoweyn heerkeeda sareeya gudaha degmada Feer-feer ugu sameeyay qeybaha bulshada Degmada iyo Maamulka degmada feer feer Soomaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa degmada Feer-feer ka daah furi doona mashaariic horumarineed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post