1215 Views

Soddon sana ka hor 26-kii September, 1983, dunida waxay ka badaadday dagaal la isu adeegsan rabay hubka Niyuukilarka.

Soddon sana ka hor 26-kii September, 1983, dunida waxay ka badaadday dagaal la isu adeegsan rabay hubka Niyuukilarka.
____________________________________________________________________________

 

Arbaco : November 10, 2021

Soddon sana ka hor oo ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii September, 1983, dunida waxay ka badaadday dagaal la isu adeegsan rabay hubka Niyuukilarka.

Gelinka hore ee maalintaas waxaa dhawaaqay seeriga digniinaha hubka kaas oo sheegayey in Mareykanka uu Ruushka gantaallo ku soo riday ayna ku soo wajahan yihiin.

Xogta Kombiyuutarka laga helay ayaa sheegeysay in dhowr gantaal Ruushka lagu soo riday. Sharciga ciidan ee Ruushkana wuxuu dhigayey in gantaal Niyuukilarka ee la soo riday Gantaal kale oo Niyuukilar ah loogu jawaabo.

“Waa markan oo kale xilli uu qofka u baahan yahay inuu maskaxadiisa iyo dareenkiisaba si aad ah uga shaqeysiiyo,” ayuu yiri wiilka uu dhalay Gaashaanle Dhexe Stanislav Petrov oo ah ninka 1983 dagaal Niyuukilayer dunida ka badbaadiyey.

Xukumaddi Dimitry Petrov aabbihii wuxuu ka joogay halki ugu mudnaa iyo xilligi ku habboonayd.

Wuxuu sheegay in aabbihii Gaashaanla Dhexe uu ka mid ahaa ciidamada cirka Midowgi Sofiyet, wuxuuna ka soo shaqeeyey xerada serpukov-15 oo ogaatay digniinti ugu horreysay ee gantaallada riddada dheer oo dhanka Mareykanka laga soo riday.

Habeennimadi September 26, 1983, Petrov wuxuu baddalay saaxibkii isaga oo shaqada xilli habeen ah soo galay.

Haddaba seeriga (alarmiga) muujinayay in Mareykanaka gantaal uu soo riday ayaa dhawaaqay.

Isaga iyo saaxibkiina waxay hubiyeen dhawaaqa seeriga ee baxayay inuu ahaa mid sax ah iyo mid cillad farsamo ku yimid. Waxayna labadoodiba isla qaateen gantaalka uu raadaarka soo qabtay inay dhanka dayax gacmeedka kala socdaan balse uma suuragelin inay gantaalkii dayax gacmeedka ku arkaan.

Maxay ugu guulaysan waayeen inay arkaan gantaalka?

 

Xilligaas waxaa adkeyd in meel fog laga arko gantaalka, maxaa yeelay qorraxdu waa ay sii dhacaysay.Waxaa kale oo jiray khadka teerminator-ka, ee habeen iyo maalin u dhexeeya, marka laga reebo in dayax-gacmeedka laftiisa uu khadkaas ku jiray.Petrov wuxuu haystay wax ka yar hal saac si uu u go’aamiyo in gantaal Niyuukilar ah la soo riday iyo in kale.Xilligaana wuxuu ahaa wakhti uu xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti aad u xumaaday. Khilaafka waxa uu ku lug lahaa waxa loo yaqaan Euromissiles.Wuxuuna khilaafka soo billaawday 1970-meeyadii, wuxuu 1983 gaaray halki ugu sarreysay.

Xilligaas wuxuu ahaa mar ay Midowgii Soofiyeeti cusboonaysiinayeen gantaalladooda riddada dhexe, iyada oo gantaallo cusubna ay ku beddeleen kuwii hore.

Talaabadaas Sofiyeet ay qaadday ayaa dhalisay inay cabasha badan kaga timaaddo waddamada reer Galbeedka.

Mareykanka oo cabashada waddamada reer galbeedka ka jawaabayay wuxuu qorsheeyay inuu laba gantaal oo khatar ah u diro Galbeedka Yurub, gantaalahaas oo kala ahaa Pershing II iyo gantaalaha riddada dheer loo adeegsado.

Sannadkii 1983 ayey ahayd markii ay gantaalladan Yurub soo gaadheen.

Xaaladdaha noocas ee kacsanayd marka ay jireen, go’aan culus oo la qaato ayaa keeni karo dagaal Niyuukilar oo lagu halaagsamo.

Seeriga ayaa dhowr jeer dhawaaqay si uu u muujiyo in gantaallo kale la soo riday. Nidaamka looga hortago gantaalahana waa mid si aad ah loogu kalsoonaan karay xilligaasi.

Petrov waxa looga baahnaa in uu u sheego taliyaha ka sarreeya oo uu ogaa in haddii uu caddeeyo in Maraykanka uu gantaal soo riday in Midowgii Soofiyeeti uu isna ka jawaabi doono.

Shaqadiisana waxay ahayd inuu go’aan ka gaaro. Horaana taa loogu soo tababaray.

Go’aankiisa Dunida ayuu badbaadiyey

Aabbahay waxa uu la kulmay xaalad aad u adag, sababtoo ah in la rido hal gantaal ma noqonayso fal dagaal balse waxaa ka dhalan karay weerarro isdaba joog ah.

Ma uusan rumaysnayn inuu dagaal dhici doono, sababtoo ah ma jirin cid guulaysaneysa.

Markaa ayuu taleefoonka qabtay oo uu sheegay in nidaamka ka hortagga gantaalaha uu xog been ah bixinayo.

Taas waxay ahayd gef weyn oo ka dhan ah awaamiirtii uu sargaal ku dhaqmi lahaa. Waxa ugu muhiimsan ee ay ahayd inuu sameeyo inuu farriinta u gudbiyo sargaalkii ka sarreeyay. Laakiin waa go’aanka badbaadiyay adduunka.

“Ma jirin shuruuc ku saabsan waqtiga naloo oggolaaday in aan ka fikirno ka hor inta aan la soo sheegin shaqo joojin. Laakiin waxaan ogeyn in dib u dhigista labaad ay qaadatay wakhti muhiim ah; in hoggaanka militariga iyo siyaasadda ee Midowga Soofiyeeti loo baahnaa in lagu wargeliyo iyada oo aan dib loo dhigin.”

“Waxa kaliya ee ay ahayd in aan sameeyo waxay ahayd in aan helo taleefoon, si toos ah uga qabto khadka Taliyayaashayada – laakiin ma dhaqaaqi karin, waxaan dareemay inaan fadhiyo meel dabka lagu shido,” ayuu raaciyay.

“Waxaan haystay dhammaan xogta si aan u aqoonsado inuu jiray weerar iyo inkale. Haddii aan warbixintayda u diri lahaa kii iga sarreeyay, cid diidi lahayd ma jirto,” ayuu BBC Russia ka soo xigtay 30 sano ka dib habeenkaas taariikhiga ah.

Inkasta oo nooca digniinta ay u muuqatay mid cad, Mr. Petrov wuxuu u badiyey shaki.

Marka laga reebo xirfadlayaasha IT-ga, ee isaga la midka ahaa ee Midowga Soofiyeet, waxay lahaayeen khubaro kale, oo sidoo kale baarayay awoodda gantaallada Mareykanka. Koox ka mid ah shaqaalaha raadaarka dayax-gacmeedka ayaa u sheegay in aysan arag wax gantaal ah.

Mr Petrov – oo shaqada ka fadhiistay isaga oo Gaashaanle Dhexe ah ka hor dhimashadiisa, ayaa ka mid ahaa saraakiishii qaatay tababarka sare ee ka soo shaqeeyay mid ka mid ah cutubyadii digniinta hore ee ciidamadii Soviet-ka.

Tijaabooyin la sameeyay ayaa muujiyay in dayax-gacmeedka uu ku wareeray falaadhaha cadceedda ee ka soo laabanayay daruuraha.

Sannadkii 1984, Petrov shaqadii wuu ka fariistay wuxuuna u guuray Fyrazino, oo ah magaalo yar oo ka baxsan Moscow.15 sano ka dib, 1998 ayuuna warkiisa soo shaac baxay.

Arrinka kamuu hadlin, ma jeclayn in uu xasuusto haba yaraatee, waayo waxa uu ku jaahwareeray xaaladdan la yaabka leh.

Ka dib markii uu soo baxay warka, Petrov, waxaa booqday warbaahinta, wuxuuna bilaabay inuu helo warqadaha dadka daafaha dunida ku kala nool ay u soo dirayaan.

Xataa haddii ciwaankiisa uu ahaa mid aan la garanaynin mararka qaarkood, haddana ma jirin ciwaan boosto, nambar telefoon, farriin fakis ama xataa iimayl midna ma jirin.

Karl Schumacher oo u dhashay Jarmalka ayaa booqday Petrov 1998-kii. Wuxuuna yiri marki aan la kulmay wuxuu igu yidhi soo gal, ka dibna waxaan soo fadhiisanay miiska jikada yaallay.

Waxa aan rabay in aan barto iyada oo aan doonayay in aan u mahadceliyo. Saaxiibtinimadooduna waxay socotay ku dhawaad ​​20 sano.

Petrov wuxuu ahaa mid caalami ah oo la aqoonsan yahay oo la abaalmariyay, wuxuu ku faani jiray go’aankiisa wanaagsan.

Sababtoo ah waxa uu ka fikirayay nuska saac ee saldhiggaas ‘waa inaan go’aan ka gaaro, laakiin ma noqon doontaa go’aan sax ah?

Oo wuxuu rabay inuu noqdo go’aanka uu qadanayo mid sax ah.

Stanislav Petrov wuxuu dhintay May 2017-kii.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post