897 Views

Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis cusub kaasi oo wax ka taraya Dagaalka Al-shabaab

Puntland iyo Galmudug oo  gaaray heshiis cusub  kaasi oo wax ka taraya Dagaalka Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: july 12, 2021

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo wax ka taraya dhanka amaanka, islamarkaana culeys hor leh saaraya kooxda Al-Shabaab ay labada maamul kula jiraan dagaal.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay sameeysanayaan iskaashi dhinaca Amniga ah, si ay si-wadajir ah ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Heshiiska cusub ee labada ee dhanka amaanka ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay dhawaan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen kooxda Al-Shabaab deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxay labada maamul bilaabi doonaan howl-galo ay si-wadajir ah u fulinayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug, si wiiqo awooda kooxaha argagixisada ah, sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland.

Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka amniga Puntland ayaa asaguna sheegay in Puntland ay ku biireyso dagaalka adag ee Galmudug kula jirto Al-Shabaab, isagoona xusay in marnaba maamulkooda uu kala tashan doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay heshiis ku gaaran iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshe waxa uu midkaan noqonaya midkii ugu cuslaa ee ciidamada labada maamul si wada-jir ah u fuliyaan.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post