963 Views

22 qof oo ku dhimatay dhulgariir xiriir ah, oo ka dhacey galbeedka Afghanistnan

22 qof oo  ku dhimatay dhulgariir xiriir ah, oo ka dhacey galbeedka Afghanistnan
____________________________________________________________________________


Talaado: January 18, 2022

Ugu yaraan 22 qof, ayaa ku dhintey illaa iyo hadda, kadib dhulgariir xiriir ah, oo ka dhacey galbeedka Afghanistnan Isniintii, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sida laga soo xigtey hey’adda saadaasha hawada ee Mareykanka, ayaa dhulgariirku wuxuu gaarayey cabirkiisu 4.9 illaa iyo 5.3. Wuxuu saameeyey gobolka waqooyi galbeed ee Badghis, taasoo sababtey iney dumaan guriyo iyo dhismayaal.

Afhayeen la hadley wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in afar caruur ah ay ku jiraan dadka meydkooda laga helay burburka.

Wuxuu intaa ku dary in ka badan 700 oo guri iney burbureen. Dhulgariirku wuxuu burbur u geysan karaa Afghanistan, halkaasoo aan guryo badan aan si habboon loo dhisin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post