261 Views

Ciidamada Ruushka oo bartilmaameedsaday xarumaha tamarta ee Ukraine ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin ay soo wajahdo koronto iyo biyo la’aan.

Ciidamada Ruushka oo  bartilmaameedsaday xarumaha tamarta ee Ukraine ee  caasimadda Kyiv iyo magaalooyin ay soo wajahdo koronto iyo biyo la’aan.
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa bartilmaameedsaday xarumaha tamarta ee Ukraine taasoo horseeday in qeybo kamid ah caasimadda Kyiv iyo magaalooyin ay soo wajahdo koronto iyo biyo la’aan.

Dacwad-oogayasha waxay sheegeen in labo qof ay ku dhinteen duqeymaha ka dhacay caasimadda.

Waxaa la arkayay qiiq iyo uuro madow oo cirk aisku shareeray gaar ahaan meel u dhaw xarunta koronto ku taalla agagaarka webiga Dnipro.

Madaxwynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in boqolkiiba 30 xarumaha korontada ee Ukraine la burburiyay isla markaana guud ahaan dalka uu koronto la’aan noqday.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxday adeegyadii korontada ee magaalada Zhytomyr iyo galbeedka Kyiv, waxaa sidoo kale la burburiyay labo xarun oo ku yaalla Dnipro.

Weerarradan ayaa imaanaya xilli diyaaradaha Drones nooca “kamikaze” ay duqeeyeen caasimadda Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post