858 Views

Buuq iyo fowdo ka bilaabantay fadhigii Baarlamaanka Somaliland

Buuq iyo fowdo ka bilaabantay fadhigii Baarlamaanka Somaliland
____________________________________________________________________________

Waxaa buuq iyo fowdo uu hareeyay kulankii ugu horreeyay oo ay manta magaalada Hargeysa ku yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiilada Cusub ee Soomaliland.

Buuqaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu shir guddoonka Kulanka ku wareejiyay Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kamid ah musharixiinta Guddoomiyaha Golaha wakiilada maadaama uu yahay qofka ugu da’da weyn Xildhibaannada.

Xildhibaannada ka tirsan Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa kasoo horjeestay shir guddoominta lagu wareejiyay Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, iyaga oo sheegay in aysan suurtogal aheyn sababo la xiriira in nuu musharax yahay.

Gudoomiyaha golaha guurida Somaliland ayaa soo jeediyay in Gudoomiyaha maxkamada sare sii hoggaamiyo golaha maadaama mucaaradku diideen yaasin Faratoon oo musharax u ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post