564 Views

Ku dhawaad 40,000 oo arday oo imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland

Ku dhawaad 40,000 oo arday oo imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland
____________________________________________________________________________

Saaka  Somaliland 40,000 kun oo arday ayaa u fadhiistay  Imtixaanka Shahaadiga ah Ee dugsiyadda Sare iyo Dhexe sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada, waxaana furay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhammbaal hambalyo iyo duco ah u diray ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka oo si habsami leh looga wada fadhiistay fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare ee dalka.

Imtixaanaadkan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 40,000 (Afartan kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu u diray dhammbaal hambalyo ah oo uu kula qaybsanayo farxada iyo rayn-raynta ay Ardaydaasi saaka ku galayaan imtixaanaadkaasi.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ardaydaa tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa leegi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Alle u fudaydiyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu ardaydaasi u rajaynayay inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post