1092 Views

Xasan sheikh “Waxaa nasiib darro in ciidan ka amar qaata farmaajo ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan uga digayaa

Xasan sheikh “Waxaa nasiib darro in ciidan ka amar qaata farmaajo  ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan uga digayaa
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd bartiisa baraha bulshada soo dhigay arintaas, oo uu ku tilmaamay dhibaatada ka imaan karto.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri “Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo.”

Waa weerarkii labaad oo ay ciidamada dowladda ku qaadaan madaxweynayaashii hore, ayada oo sidoo kale 19-kii Febraayo ay ku weerareen hotelka Maa’ida oo ay deganaayeen.

Sidoo kale Dagaalka galabta ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Mirinaayo ee ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post