165 Views

Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo si xiiso leh uga socda Muqdisho

Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo si xiiso leh uga socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

 Xulka gobolka Banaadir ayaa guul ka gaaray dhiggiisa xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ciyaar ka tirsan tartanka dowlad gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonta ciyaaraha ee Muqdisho ayaa 1-0 waxa ay guusha ku raacday xidigaha gobolka Banaadir ka dib markii uu gool u dhaliyey ciyaarahaanka u xirta lambarka 22 ee lagu magacaabo Khaalid, kaas oo dhaliyey goolka qeybta dambe ee ciyaarta, gaar ahaan daqiiqadda 53-aad.

Kulanka ay maanta ciyaareen labadaan kooxood ayaa ahaa kii labaad ee tartanka ciyaaraha maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo todobaadkii hore tartanka lagu furay maamul gobaleedyada kala ah Galmudug iyo Hirshabeelle, xilli natiijada ciyaartaas ay ku soo idlaatay mid barbar dhac ah 1-1 ah.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay wada ciyaaraan kooxa kala ah Jubbaland iyo Galmudug, labadaan kooxood ayaa kala dheelaya kulanka koowaad iyo kulanka labaad, kala sarreynta ayaa xilligaan waxaa hoggaaminaya xulka gobolka Banaadir oo 3 dhibac leh, halka Galmudug iyo Hirshabeelle ay wada leeyihiin mid hal dhibac.

Tartanka ayaa sanadkaan ka xiisad iyo xamaasad badan, waxaana la arkayey iyada oo taageero kor u dhaafaya 50,000 ay soo xaadireen labadii kulan ee lawada ciyaaray, kuwaas oo kala qabsoomay 29 December iyo January 1, 2024-ka.

________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post