513 Views

Ra’iisal wasaaraha Finaland oo iska baartay daroogo kaddib muuqaal laga faafiyay.

Ra’iisal wasaaraha Finaland oo iska baartay daroogo kaddib muuqaal laga faafiyay.
____________________________________________________________________________

Sabti: august 20, 2022

Ra’iisal wasaaraha dalka Finland, Sanna Marin ayaa sheegtay inay iska baartay daroogo, kaddib markii laga faafiyay muuqaal la soo dusiyay oo mujinaya iyadoo qoob ka ciyaar sameynaysa.

Marine, oo sodon iyo lix sano jir ah ayaa dhaleeceyn kala kulantay muuqaalkaasi, iyadoo siyaasiinta qaar ay soo jeediyeen inay iska baarto daroogo.

Shir jaraa’id oo ay qabatay ayaa Marine waxaa ay ku sheegtay, inay daroogo iska baartay, isla markaana natiijadu soo bixi doonto todobaadka dambe.

Ha yeeshee, haweeneydaasi ra’iisal wasaaraha ka ah dalka Finland, waxaa ay ku adkeesysatay inaanay weligii daroogo isticmaalin.

Waxaa ay wariyaasha u sheegtay in aysan weligeed ku dhaqaaqin arrin “sharci darro ah”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post